Ururka Qareenada Somaliland Oo Maanta Magaalada Burco Ugu Qabtay Qareenada Ka Hawlgala Kulan Xogwaraysi Xirfadooda Kor Loogu Qaadayo.

Burco:- Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 27/10/2021, kulan xog ururin ah u qabtay qareenada ka hawlgala Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, Kulankan oo ujeedkiisu ahaa sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa Xirfada iyo Aqoonta qareenada ka hawlgala Magaalada Burco, si loo Dhiso loona helo tababaro kor loogu qaadaayo aqoonta Xirfada qareenada iyadoo Maxsuuka uu Barnaamikana Salka ku Hayaana ay Tahay sidii ay Bulshadu u Helilahayd Adeeg sharci oo Hufan. Maaha Markii ugu Horaysay ee Kulan Noocan oo kale ah loo Qabto Qareenada ka Hawl Gala Dalka Balse waxaa Hore kulano Noocan oo kale ah looga fuliyey Magaalooyinka Borama iyo Hargeysa.