Ururka Qareenada Oo Xafiis Cusub Ka Furtay Laascanood

Hogaanka Sare ee Ururka Qareenada Somaliland ee Sollaa Oo maalintii Saddexaad Hawlo shaqo ujooga Gobolka Sool,ayaa kulamo kala Duwan la Qaatay Maamulka iyo Masuuliyiinta Gobolka Sool.Wafigan Qareenada ah oo uu Hor kacayo Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Xassan Cabdilaahi Cawaale ayaa ugu Horayn Waxa ay Xafiis Cusub kafureen magalaada Laas Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.sidoo kale waxa ay Kulamo kala duwan la qaateen,Badhasaabka Gobolaka,Gudoomiyaha Maxakamada Racfaanka,Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka, Gudoomiyaha Maxkamada Dagmada iyo Madaxa Xafiiska Xeer ilaalinta ee Gobolka sool . waxaa kale oo wafdigan Qareenada ay kulan la Qaateen waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Guduha.oo mudooyinkii Danbe ku sugnaa Gobolka sool. Gudoomiyaha Ururka Qareenada oo Galabta Warbaahinta la Hadlay ayaa ugu Horay u Mahad Celiyey Dhamaan Masuuliyiinta Gobolka Sool ee ay la kulmeen iyo Qareenada ka Hawl gala Gobolkaasi. Ugu dambayn Gudoomiyuhu waxa uu safarkan ku Tilmaamay in uu ka mid yahay Dardar Galinta Hawlaha Ururka Qareenada.